Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xarigga ka jaray Xarunta Maamulka Degmada Shingaani, oo dib-u-dhis iyo casriyeyn ballaaran lagu sameeyay, si' loo xoojiyo hufnaanta maamulka, islamarkaana sare loogu qaado adeegyada dadweynaha.