Waxaan maanta si rasmi ah xilka uga la wareegay hogaamiyihii KMG ahaa ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo aan uga mahadcelinaayo mudadii uu joogay dadaaladii wax ku oolka ahaa ee uu muujiyey iyo sidii uu u mareeyey wakhtigii xasaasiga ahaa ee kalaguurka.
Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe
284 posts
The Official X Account of the Third Leader of Southwest State of Somalia.
- Replying to @AadanMadobeiguna aaminay xilka hogaamiyaha sedaxaad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Waxaan ku kalsoonahay in anigoo kaashanaya shacabkeyga qiimaha badan ee reer Koonfur Galbeed inaan deegaanada maamulkan ka hirgeliyo isbedel dhab ah oo ku salleysan horumar iyo barwaaqo. 2/2
- Waxay mahad oo dhan u sugnaatay Alle SWT oo nabad iyo caafimaad qab inagu soo gaarsiiyey maalintan taariikhiga, marka xigtana waxaan u mahadcelinaayaa Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo maanta sida kalsoonida leh ii siiyey codkooda 1/2
- Replying to @AadanMadobeWaxaan dhamaan xubnaha guddoonka cusub Alle SWT uga baryayaa inuu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay, anigoo u rajeynaya in ay kasoo bixi doonaan mas’uuliyadda culus. 2/2
- Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mahad Maxamed Sheekh Xasan, Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama) iyo Guddoomiye Kuxigeenka Labaad Shamso Maxamed Yerow. 1/2
- Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraayaa xildhiibanada cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo maanta loo dhaariyay masuuliyadooda qaran.
- waxaan aad ugu faraxsanahay inaan maanta ka mid noqdo kumanaanka qof ee codkooda sida dimoqraadiyadda leh u dhiibtay, anigoo ka qeyb galay doorashada Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiilada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed. Dadka reer KGS, waxay muujiyeen biseyl iyo yididiilo
- Waxaan maanta aniga iyo wafdi aan hogaaminayo oo isugu jira wasiiro iyo xldhibaano aan si nabad ah kusoo gaarnay magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG-ka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
- Waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda oo aan ugu hambalyeynaayo sanadguurada 65–aad ee ka soo wareegatay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
- Alle mahadii, waxaa maanta inoo furmay kalfadhiga lixaad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo aan kusii amba qaadi doonno ka howlgelida shuruucda muhiimka u ah dowlad dhiska wadankeena.
- Replying to @AadanMadobeSafiirka ayaa bogaadiyay shaqada Golaha Shacabka ee la xiriirta shuruucda lagu horumarinayo dowladnimada Soomaaliya. Waxaan uga mahadcelinayaa taageerada ay la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed, waxaana ku balannay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa xiriirkeena.
- Waxaan maanta xafiiskeyga kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Axmed Bin Maxamed Al-Mowallad oo aan ka wada hadalnay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga iyo sidii loo dardargelin lahaa. 1/
- Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan ugu hambalyeynayaa 26-ka Juun oo ah xuska 64-sano guurada kasoo wareegatay markii gobolada waqooyi ee dalkeena ay ka xorreebeen gumeystihii Ingiriiska.





























